Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Cabdi Maxamuud Cumar

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, oo hadda booqasho ku jooga magaaladatan London, ayaa waxa uu sheegay in uu la kulmay dadka qurbaha ee ka soo jeeda gobolkaasi ee jooga dalkan Britain, si ay dhaqaale ahaan gacan uga geystaan mashruuc biyo xireen ah oo laga sameynayo gobolka.

Cabdi Maxamuud Cumar oo sidoo kale aan ka wareysanay arrimo kale oo ay ka mid tahay xaaladda gobolka ayaa eedeeymo loo soo jeediyay maamulkiis waxa uu ku tilmaamay inaanay waxba ka jirin, kuwaasi oo ah inay jiraan dhibaato ay ciidamada maamulka ay ku hayaan dadka deegaanka.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu uga warramay marka hore waxa uu ku saabsan yahay socdaalkiisa London.