Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Idaacadda Bar-kulan oo la eedeeyay

Warbixin uu soo saaray ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee la yiraahdo NUSOJ ayaa waxa ay ku sheegeen in dhibaatooyin xagga xuquuqda shaqada ah iyo tacaddi in lagu hayo weriyayaasha ka shaqeeya idaacadda Bar Kulan ee ku taal magaalada Nairobi.

Idaacaddaasi oo ay maalgeliso Qaramada Midoobay, isla markaana ay maamusho shirkad gaar ah oo la yiraahdo Albany Associates.

Warbixintu waxyaabaha ay ku eedeysay maamulka idaacadda Bar kulan in shaqaalaha si xun loola dhaqmo, mushaarooyinkooda la dhimo, qaarkood si sharci darro ah shaqada looga eryay ama ay uga tageen, in aanay heysan sharciyada shaqo ee dalka Kenya iyo qoddobo kale.

Steve Turner, oo ah ku simaha Agaasimaha Idaacadda Bar Kulan ayaa eedeeymahaasi ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin oo been abuur ah isla markaana dano gaar ah laga leeyahay.