Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dr Cabdullaahi Cosoble Siyaad

Lahaanshaha sawirka Somalisan TV
Image caption Dr Cabdullaahi Cosoble Siyaad waxa uu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya

Shirkii caalamiga ahaa ee arrimaha Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay magaaladatan London, waxyaabaha la soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inay wada hadlaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Haddaba, Dr Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo ah siyaasi Soomaaliyeed, oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dolwadihii hore ee Soomaaliya, oo hadda deggan waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa sida ay la tahay in loo galo wada hadal dhexmara labada dhinac ee dowladda KMG ah iyo Somaliland.

Cabdullaahi Cosoble waxa uu telefonka ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.