Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali tahriib ah oo la bedbaadiyay

Lahaanshaha sawirka Malta today
Image caption Soomaali lagu bedbaadiyay xeebaha Malta

In ka badan 200 Soomaali tahriib ah oo doomo uga soo baxay dalka Libya ayaa lagu bedbaadiyay meel u dhaw xeebaha jasiiradda Lempadusa.

Dadkan Soomaalida oo kala saarnaa, laba doomood ayaa waxa la sheegay inay ku jireen carruur iyo haween.

Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay inay bedbaadiyeen laba doomood oo ay kala saarnaayeen 107 midna 114.

Labada doomood ayaa waxa laga gaaray iyaga oo degi raba kadib markii cillad ku timid.

Waxaa kale oo jiray in shalayna la bedbaadiyay doon kale oo ay saarnaayeen in ka badan Konton qof oo la sheegay shan ka mid ah inay dhinteen.

Lama oga shanta qof ee dhintay in Soomaali yihiin iyo in kale.

Kumanaan Soomaali ah oo ka soo cararaya dhibaatada ka taagan Soomaaliya ayaa naftooda sanad walba ku soo biimeeya biyaha u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyaga oo ka soo baxa xeebaha waddanka Libya.