Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Somali Economic Forum

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xasan Muuse Dude oo u warramaya BBC Somali

Toddobaadkan waxaa magaaladatan London lagu qabtay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen urur Soomaaliyeed oo ka dhisan Britian oo la yiraahdo Somali Economic Forum.

Munaasabadda ayaa waxa lagu marti qaaday ganacsato Soomaaliyeed, shirkado ay ku jiraan kuwa xawaaladaha, aqoonyahanno iyo shaqsiyaad kale, waxaana looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya ay ku jirto xilligan adag.

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka qeybgalay munaasabadaasi ayaa markii ay dhamaatay waxa uu wareystay, Xasan Muuse Dude, oo ah Agaasimaha maamulka ee Somali Economic Forum, oo uu weydiiyay marka hore bal inuu faahfaahiyo ujeedada munaasabadda ay u qabteen.