Falanqeynta siyaasadda Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Abriil, 2012, 17:17 GMT 20:17 SGA

Media Player

Dowladda Soomaaliya xilligeedii wuxuu ku egyahay August 2012. Raiisul Wasaare Cabdiweli ayaa ka jawaabaya suaalaha la xiriira ammaanka, siyaasadda iyo dastuurka.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Raiisul Wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali

Dowladda Soomaaliya xilligeedii wuxuu ku egyahay August 2012.

Inta ka horresyaa waxaa la doonayaa in la ansixiyo dastuurka oo dadka qaar ay dooda ka qabaan.

Waxaa kale oo loogu fadhiyaa in la soo xulo xubnaha baarlamaanka cusub.

In la doorto Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne.

Waxaas oo dhamina ay ku qabsoomaan afar bilood gudahood.

Ammaanka

Waxaa dalka ku sugan ciidammo ka socda ugu yaraan shan dal oo Afrikaan ah.

Waxay ku kala sugan yihiin goobo aad u kala fog.

Al Shabaab oo dhul badan laga qabsaday inta badan dagaal fool-ka-fool wey ka gabbataa.

Waxaad mooddaa in ay door bideyso weerarrada is qarxinta, kuwaas oo hadda ku soo batay Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya in al Shabaab ay ciidammo geysay buurlaeyda Golis, halkaas oo ay dooneyso in ay uga duusho Puntland ama Somaliland ama labadaba.

Maxay dowladdu ka ogtahay? Maxayse ka qabatay?

Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayuu ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya uu dhegeystayaasha Bbc uga jawaabay si toos ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.