Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo qaaddacday wada hadalka

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamed Cabdullaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay wax wada hadal ah la gali doonin Soomaaliya, iyada oo qoonsatay xubnaha guddiga dowladda KMG ah ay u soo magacawday wada hadalka, oo ay sheegeen inay ku jiraan laba xubnood oo ka yimid maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif inuu carqaladeynayo wada hadalka.

Wada hadalka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ahaa mid ka mid ah arrimihii ka soo baxay shirkii caalamiga ahaa ee arrimaha Soomaaliya ee bishii Febraayo lagu qabtay London.