Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiqani: Meydkoodi xitaa lama helin

Ugu yaraan toddobo ruux oo ay ku jiraan labo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday weerar isqarxin ah oo dhawaan ka dhacay Dhuusa Marreeb.

Laba mudane waxa la kala yiraahdaa Yusuf Mire Seeraar iyo Cabdiweli Aw Muxumed, ayay wararka qaar sheegayaan in ay geeriyoodeen.

Markaa kadib ayaa waxa maamulka Ahlu Sunna ay sheegeen inay baaritaan ay sameeyeen oo dad ay xireen.

Haddaba waxa jirta in Cabdiqani Shiikh Cabdi Fiidow oo la soo xiriiray BBC uu sheegay in laba nin oo ay walaalo yihiin si sharci darro ah loogu dilay magaalada Dhuusa Marreeb.