Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Raiisul Wasaaraha oo cambaareeyay qaraxa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisul Wasaare Cabdiweli

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa cambaareeyay weerarka is qarxinta ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarkaasi oo ay sheegteen al-Shabaab ayaa waxa ku dhintay inta la og yahay toddobo qof oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Raiisul wasaare, Cabdiweli waxa uu ku tilmaamay qaraxaasi mid fuleynimo ah oo ay fuliyeen kooxaha argagaxisada. Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay gacan ka geysanayso sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaawacmay.

Raiisul Wasaaraha oo wareysi siiyay BBC ayaa isaga oo jooga magaalada Muqdisho waxa uu telefonka ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.