Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu xiray UK

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Ciidanka booliiska UK

Weerarka ciidamada amaanka ee Britain waxaa uu dhacay subaxnimadii hore ee maanta, iyadoo lagu tilmaamey inuu ahaa halwagal horey loo sii qorsheeyey.

Dadka la qabtey ayaa isugu jira lix rag ah iyo ruux dumar ah, waxaana lagu tuhunsan yahay inay maalgelinayeen hawlaha argagixisada iyo lacago si shari darro ah la isu dhaafsanayey, lacagahaas oo ay ka heleen khaad si sharci darro ah loo dhoofinayey.

Qaadka oo ah mukhaadaraad meel dhexaad ah si sharci ah ayaa looga isticmaaalaa Britain, waxaana ka ganacsada ganacsato ay Somali ka mid tahay.

Waxaa uu ka baxaa dalalka Geeska Afrika iyo gacanka carbeed.

Ilaa iyo haatan lama hayo warar faahfaahsan oo la xiriira hawlgalkan.

Afhayeen u hadley booliska ayaa sheegey in hawlgalka uu ahaa mid wadajir loo fuliyey, waaxda arrimaha gudaha ee Mareykankana uu qeyb ku lahaa, laakiin waxaa uu diidey inuu tafaasiil dheeri ah ka bixiyo wadamada ay u dhasheen dadkan la gacanta lagu soo dhigey, waxa ay yihiin iyo kooxaha mintidiinta ee ay doonayeen inay maalgeliyaan.