Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Francois Hollande oo xilka loo dhaariyay

Madaxweynaha cusub ee dalka Farnsiiska, Francois Hollande, ayaa saaka loo dhaariyey, jagada madaxtinimada waddanka Farnsiiska, xaflad ka dhacday guriga Madaxtooyada ee magaalada Paris ee Elysee Palace.

Waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Hanti-Wadaag ah ee jagadaas qabta, mudo 17 sanadood ah.

Hadal uu halkaas ka jeediyey, waxaa uu ku sheegay in uu ogsoon-yahay, dhibaatooyinka culus ee hortaagan.

Waxaanu, si gaar ah ugu nuux-nuuxsaday, dhaqaalaha wiiqan, waxaanu ku baaqay in Europe ay u jahaysato waddo cusub oo dhibaatooyinkaas lagaga baxo.

Madaxweyne Hollande, waxaa lagu doortay hindise u ku diidan yahay, barnaamjka Gunti-Giijiska ee Midoowga Europe.

Waxa uu caawa dalka Jermanka kula kulmi-doonaa, Angela Markel, Ra'iisal Wasaaraha Jarmalka, oo iyadu taagersan, Barnaamjkaa Gunti-Giijiska oo uu isagu diidan yahay.