Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Danjire Swan: Shabaab wakhtigaa ku xun

Image caption Danjire James Swan waxa uu dowladda Mareykanka u qaabilsan yahay Soomaaliya

Dowladda Maraykanku ayaa sheegtay inay 30 milyan oo dollar ku bixinayso ciddii soo sheegta warar lagu soo qaban karo madaxda sare ee xarakada al-Shabaab.

Haddaba Danjire James Swan, oo dowladda Mareykanka u qaabbilsan Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliag ee BBC waxa uu fasirayaa lacagta dowladda Mareykanku ay ku yaboohday.

Ambassador Swan: Marka horre aan kala cadeeyee ma ahan waxan waxa loo yaqaan Bounty ee waa barnaamij loo yaqaan dhiirigelinta cadaaladda, oo ujeedadiisu tahay, in la helo macluumaad la xiriira meesha ay ku sugan yihiin shaqsiyaad masuul ka ahaa falal argagaxiso.

Macluumaadkaas oo loo adeegsan karo in la sugo caddaaladda, taasi oo micnaheedu yahay in la soo qabto, la xukumo, marinkooda la marsiiyo iyada oo sharciga la waafajinayo.

BBC Somali: Inkastoo madaxda alshabaab qaarkood ay aad isu qariyaan haddana dadka magacyadoodu liiskina ku jiran w axaa ka mid ah qaar aan dhuumasho ku jirin, oo mar walba ku dhexjira dadka ku sugan goobah ay iyagu gacanta ku hayaan. Markaa waxaa la is weydiin karaa maxaa lacag loogu bixinayaa intaa la eg in la soo sheego qof dadkiisa isaga dhexjira oo la ogyahay?

Ambassador Swan: Waxa aan dooneynaa waxa weeye macluumaad noo sahla in dadkaasi la soo qabto.haddii macluumaadkaasi yahay mid si sahlan lagu heli karo. Waxaa laga yaabaa inay soo dedejiso, in warkii loo baahnaa la helo, waxaa loo baahan yahay in la xusuusnaado in dadkan ay yihiin dad madax sare ka ah alShabaab, oo aan wada ognahaya inuu yahay urur argagaxiso oo manaxe ah. Sanadkan horraantiisii waxa uu si cad u shaacisay inay isbahaysi la leedahay alQaacidda. Waxay fulisay weeraro fara badan oo lagu qaaday dad rayid ah oo Soomaaliyeed, qaar nabadadda ka shaqeeya, saraakiil dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Waxa kale oo weeraro ay ka fulisay meelo kale oo gobolka ka tirsan. Waxaan aan u daneyneynaa inaan dhinacyo kale kala shaqeyno si loo xaqiijiyo in nimankaas caddaaladda la marsiiyo.

BBCSomali: dowladda Soomaaliya waxay dhawr jeer horrey sheegeen inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan alShabaab hadday dagaalka joojineyso. Marka idinku ma kala tashateen amsuuliyiinta Soomaalida inta aadan go'aankan gaarin?

Ambassador Swan: Dowladda Soomaalidu iyadaaba war ay ku taageereyso go'aankeena soo saartay, aad ayaan ugu kalsoonahay in barnaamijkan uu heysto taageero, laakiin waxaan rabaa inaan caddeeyo in barnaamijka dhiiri gelinta caddaaladdu uu yahay hal qeyb oo ka mid ah hawl aad uga weyn iyada oo tifaftiran oo la rabo in looga tkahaluso khatarta alShabaab.

Waa dadaal Afrikanku horseed ka yahay taas oo uu fulinayo hawlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, oo guulo waaweyn ka soo hooyaydagaalka ay kula jiraan alShabaab, iyagoo la kaashanaya ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo Soomaaliyeed oo ka qeybqaadanaya sidii Shabaab loo bahdili lahaa. Marka taasi waa dhinaca militeriga ee Afrikaanku hoggaaminayo.

Waxaa kale oo jira dadaal looga xirayo Shabaab ilaha dhaqaaluhu ka soo galo, waxaa ka mid ah go'aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu gaaray Febraury 20 ee lagu mamnuucayay dhoofinta dhuxusha oo il dhaqaale oo muhiim ah u ahayd alShabaab. Arrintaasna waa xagga dhaqaalaha.

Waxaa kale oo jira dadaal siyaasadeed oo la doonayo in hab ka mustaqbal fiican, kana fursado badan nidaamka Shabaab laga hirgeliyo dalka iyada oo loo marayo nidaamka road map-ka, kaas oo aan dhammaanteen si xoog leh uga shaqeyneyno in aan ku taageerno madaxda Soomaalida ee damacsan in laga gudbo xilliga ku meel gaarka August 20. Marka barnaamijkan dhiiri gelinta caddaaladdu waa qeyb ka mid ah dadaalka guud ee lagu bahdilayo al-Shabaab.

BBC Somali:M aadaama ciidamada Afrika ay dhul badan ka qabsadeen Shabaab, haddana Mareykanku uu lacagtan ku ballanqaaday ciddii soo sheegta halka ay joogaan, ma waxaad u malaynaysaa in Shabaab wakhtiga u haray uu yar yahay?

Ambassador Swan: Waxay ila tahay in Shabaab wakhtigu ku xun yahay, dhul badan ayaa laga qabsaday, waxaa muuqata in madaxdoodu ay baxsad yihiin hadda. Waxaase intaasi oo dhan kasii muhiimsan in dadka Soomaaliyeed aysan rabin al-Shabaab. Dadka Soomaaliyeedna waxay annaga noogu muuqdaan kuwo ku soo daalay maamul xukun khlafsa.

Waxay karaahsadeen madax goynta iyo dhagax ku dilidda iyo cadadaadiska bulshada. Waxaa noo muuaqata in Shabaab ay daciiftay xarako ahaan, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay tageerada Shacabka. Taas micnaheedu maahan inaysan weli khatar ahayn, waxaan u baahanahay inaan aad u feejignaano, waxaan aragnaa in Shabaab ay wali siku dayayso hawlaheeda argagixiso, waana inaan ka digtoonaano, laakiin xarako ahaan waxaan aragnaa inay sii wiiqmeyso iyadoo ay meesha kala wareegayo isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka socda.

BBC Somali: Xagga siyaasadda haddaan wax kaa weydiiyo ma ku qanacsan tihiin sida ay u socdaan hawlaha siyaasadeed ee hada socda ee la doonayo in looga gudbo xilliga KMG.

Ambassador Swan: Madaxda Soomaalida, Afrikanka iyo beesha caalamkaba waxaa aad la isugu raacsan yahay in xilliga KMG ah ku dhammaado 20 August, waxaan ku faraxsanahay in saxiixayaasha road map-ka ay fariisteen Addis Ababa 23 bisha May, oo ay ku heshiiyeen qoddobo dhawr ah oo lagu xaqiijinayo in laga gudbo xilliga KMG.

Hawl badan ayaa weli harsan, ma ahan in wakhti lumo, saacaddu way socotaa, farriinta aan u direyno dhinacyada Soomaalida oo dhan inay muhiim tahay in qof walba uu guntiga dhuuqsado oo ay u dhug lahaadaan oo ay horey u dhaqaaqaan si loo dhameystiro hawshan aad muhiimka u ah ee looga gudbayo KMG bisha August 20.