Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo video-ga shilka diyaaradda Kenya

Kenya ayaa ku dhawaaqdey sadex maalmood oo baroor-diiq ah kadib geeridii Wasiirka Amniga Qaran, Goerge Saitoti iyo ku xigeenkiisa, Orwa Ojode.

Dowladda ayaa sheegtey in ay baaritaan ku sameyneyso waxa sababey shilkaasi.

Waxaa kale oo shilkaasi ku dhintey affar ruux oo kalkaaliyayaal iyo ilaala u ahaa mas'uuliyiintaasi.

George Saitoti waxaa uu kamid ahaa siyaasiyiinta sheegey inay u tartami doonaan jagada madaxweynanimo doorashooyinka dalka laga qaban doono bisha March ee sanadka 2013.