Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland iyo Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Cabdi Yusuf Ducaale, Wasiirka warfaafinta Somaliland

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland, Ahna Afhayeenka dowladda, Cabdi Yusuf Ducaale ayaa BBC uga warramay wada hadalka ay la galayaan Soomaaliya, oo meel geba geba ah mareyso qaban qaabadiisa.

Wadahdalkani wuxuu daba joogaa shirkii London bishii Feberuary looga hadlay Somaliya oo madaxdii caalamka ee ka soo qeyb gashay ay ku dhiirri gelisay Somalia iyo Somaliland in ay wada hadlaan.

Wadahadalka hadda dhex mari doona Somaliya iyo Somliland waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco dalkan Britain bishan June gudaheeda.

Dhinaca kale, Wasiirka oo u warramay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa waxa kale oo uu ka warramayaa eedeeyn loo soo jeediyay dowladda Somaliland oo la sheegay in si adag ula dhaqanto suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland.