Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali Libya ku xiran

Boqolaal Soomaali ah ayaa ku xirxiran dalka Libya, oo qaarkood ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Mesrati oo ay hadda gacanta ku hayso koox aan toos dowladda u hoos tagin.

Arrintan ayaa soo baxaysa maalin kadib markii hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Righta Watch ay sheegtay in kumanaan taageerayaashii Qaddaafi ah ay u xiran yihiin maleeshiyooyin gaar ah oo xadgudub kula kaca.

Hadaba, gabdho Soomaali ah oo ku xiran xero ciidan oo ku taalla magaalada Mesrata ayaa BBC la soo xiriiray, iyagoo ka cabanaya sida loola dhaqmo iyo in ay iska xiran yihiin.

Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa telefoonka kula xiriiray oo ka waraystay xaaladdooda.