Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Afhayeenka AMISOM Col Cali Xumad

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Afhayeenka ciidanka AMISOM, Col Cali Xumad

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxa ay keenayaan ciidan si gaar ah loogu tababaray dhinaca ammaanka oo ka hawlgali doona magaalada Muqdisho xilliga ay socdaan shirarka iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ciidankii ugu horreeyay ee ka tirsan kuwaasi ayaa shalay iyo maanta gaaray magaalada.

Haddaba si aan wax uga oggaano ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu telefonka Muqdisho kula xiriiray Afhayeenka AMISOM Colonel Cali Xumad oo uu marka hore weydiiyay bal sida ay ciidankoodu wax uga qabaan karaan ammaanka caasimadda.