Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mo Faarax oo u warramay BBC

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mo Faarax oo ordaya 5000 mitir

Orodyahanka masaafada dheer ee dalka Britain, MO Faaraxa ayaa ku guulaystay biladda dahabka ah ee 5000m.

Waa billadii labaad ee uu ku guulaystay isla cayaaraha Olympic-ada. Wuxuu horay ugu guulaystay tartanka 10 kun ee mitir.

Bogga hore ee wargaysyada ka soo baxa London waxaa intooda badan lagu soo daabacay sawirada guusha MO Faarax.

MO Faarax wuxuu noqday orodyahanka kaliya ee British ah oo tartanka masaafada dheer ku guulaystay.