Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Yaa dib u dhisaya Soomaaliya?

Dib u dhiska dalka Soomaaliya waxaa ku hawlan dalal iyo hey'ado caalami ah.

Waxaa ka mid ah dalalka ku hawlan Turkey, Britian, Norway iyo waddamo kale oo ka tirsan Dalalka Carabta, sida Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

Iyo weliba hey'ado caalami sida , Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, iyo kuwo kale, oo dhamaantood wada hawlo kala duwan.

Dowladda Turkigu waxa ay gacan weyn siisay Soomaaliya xilligii ay abaarta ka jirtay dalka, kadibna waxa ay dalka ka fulisay mashaariic badan.

Waxaa kale oo dib u dhiska dalka kaalin weyn ka qaata dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ka laabtay, shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Barnaamijkan waxaan ku eegi doonaa dib u dhiska Soomaaliya.