Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doodda musharaxiinta qeybta 2aad

Image caption Dood ku saabsan musharaxiinta Soomaaliya

Waa qeybta labaad ee dood ka mid ah barnaamijyada qaaska ah ee Laanta Af Soomaaliga ee BBC ay ugu tala gashay doorashada hoggaanka cusub ee Soomaaliya.

Dooddan waxaa lagu faaqidi doono xubnaha u tartamaya doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Ilaa hadda waxaa u taagan inay ka qeybgalaan doorashada madaxweynanimada Soomaaliya in ka badan 30 musharax.

Haddaba ma isu tanaasuli doonaan musharaxiintu? ma yihiin kuwo la socda marxaladda dalku marayo? maxaa caqabado ah oo hor yaalla. suaalahaasi iyo kuwo kaleba waxa ka doodaya oo Farxaan Maxamed Jimcaale uu dhex dhigay.

Dr Afyare Cabdi Cilmi oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda Qadar. Oo jooga magaalada Dooxa.

Cali Muuse Cabdi oo ah saxafi ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP. Oo jooga Istuudiyaha BBC ee Nairobi.

Ibraahim Faarax Macalin Bursaliid oo ah macallin wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi. Oo isna jooga Nairobi.