Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka oo ka cabanaya doorkooda baarlamaanka

Lahaanshaha sawirka AU
Image caption Xubnaha baarlamaanka ee la dhaariyay ayaa waxa ku jira tiro ka yar intii dumarka loo qoondeeyay

Haweenka ayaa ka mudaharaadaya tirada ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ay sheegayaan inay ka yar tahay intoo lagu heshiiyay.

Tiro haween ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka mid ah beelaha shanta ah ee Soomaalidu ay wax ku qeybsato muddooyinkan danbe.

Weriyaha BBC uga soo warrama magaalada Muqdisho, Ibrahim Maxamed Aadan oo warbixintan ka soo diray ayaa sheegaya in haweenku aanay ku qanacsaneyn.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay dhaliilayaan in odoyaasha loo diray in ay soo xulaan xubnaha reeraha uga qeybgalaya baarlamaanka in aanay tixgelin siinin dumarka.

Waxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin inay kaalintooda ka qaataan hanaanka siyaasadda Soomaaliya.

Hey'adaha u dooda haweenka ayaa intii muddo ahba waxa ay saluugsanaayeen doorka iyo tirada dumarka ee baarlamaanka cusub.