Yaa u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Agoosto, 2012, 18:45 GMT 21:45 SGA

Media Player

Xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa isugu imanaya kulan si ay xubnaha u sharraxan guddoomiyanimada uga jeediyaan barnaamijyadooda baarlamaanka hortiisa. Waxaa u sharraxan Guddoomiyenimada Lix mudane.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa isugu imanaya kulan si ay xubnaha u sharraxan guddoomiyanimada uga jeediyaan barnaamijyadooda baarlamaanka hortiisa.

Shirka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa u sharraxan jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Lix xubnood, waxaana ay kala yihiin:

Cabdi Xaashi Cabdulllaahi
Cali Khaliif Galeydh
Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurriile
Cabdirashiid Maxamed Xiddig
Maxamed Cismaan Jawaari iyo
Xasan Abshir Faarax

Waxaa kale oo u sharraxan Guddoomiye ku xigeenka 11 xubnood, halka guddoomiye ku xigeenka labaadna ay u taagan yihiin Afar xubnood.

Waxaa musharraxiinta laga qaaday lacago qaddimaad ah oo ka badan 40 kun oo dollar.

Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay laba maalmood.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Hadal qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay, Dr Augustine Mahiga, ayaa lagu sheegay in walaac uu ka qabo dib u dhaca weli ku socda dhameystirka liiska xubnaha baarlamaanka, taasi oo khatar gelin karta jadwalka doorashada.

Mahiga waxa uu sheegay in wax dib loo dhigaa aanay jirin.

Waxa uu ku booriyay odoyaasha iyo guddigaba inay dadaalkooda sii wadaan.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka cusub iyo ku xigeenadiisa ayaa la filayaa in la qaban doono maalinta Talaadada ee 28-ka Agoosto.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.