Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jawaari oo loo doortay Baarlamaanka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo eegaya markii codadka la tirinayay

Siyaasi rug caddaa ah, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu xilkan haynayaa afarta sano ee soo socota.

Tallaabadan ayaa waxa ay tahay tii ugu horreysay ee loo qaado aasaaska dowlad rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

Madaxweyne cusub ayaa isna lagu wadaa in la doorto toddobaadyo gudahood.

Prof Jawaari ayaa waxa inuu guuleeystay lagu dhawaaqay kadib markii Cali Khaliif Galaydh uu sheegay in uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga labaad.

Wuxuu wareeggii hore helay Prof. Jawaari 119 cod, halka Cali Khaliif Galaydh uu ka helay 77 cod.

Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:

119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,

77 Cali Khaliif Galeydh,

23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo

5 Xasan Abshir Faarax.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa isna waxa loo doortay Jeylaani Iikar, halka Guddoomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Mahad Cawad.

Saddexda Mas'uul ayaa markiiba loo dhaariyay xilalka loo doortay.

Waa markii ugu horreysay ee muddo ka badan labaatan sano lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.