Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhigga carwada Hargeysa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Carwada waxa lagu soo bandhigay waxqabadka hey'adaha

Magaalada Hargeysa waxaa ka furmay bandhig carwo ah oo hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahi ku soo bandhgeen waxqabadkooda.

Bandhigan sida uu BBC u sheegay wasiirka qorsheynta iyo horumarinta somaliland waxaa ka qayb galay 73 hay'adood oo degan somaliland. waa laamaha qaramada midoobay, hay'adaha samofalka caalamiga ah iyo ururada NGO-yada wadaniga ah.

Waa markii ugu horreysay ee carwadan oo kale lagu soo bandhigo somaliland. Dr. Sacad Cali shire wasiirka qorsheyntu wuxuu sheegay in ujeedadu tahay in hay'aduhu dadweynaha tusaan waxay u qabteen , in lala xisaabtamo , iyo in la dhiirigeliyo kuwa wax qabtay.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Zeylici oo furay carwadan ayaa ku dhiirigeliyay hay'adaha waxqabad dhab ah.

Somaliland sida wasaaradda qorsheyntu sheegtay waxaa deggan oo ka hawlgal in ku dhow laba boqol oo hay'adood oo caalami ah iyo ilaa saddex boqol oo ururo NGO-yo wadani ah.