Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Rayaale: Waxaan u arkaa olole dacaayad

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Daahir Rayaale Kaahin waa Madaxweynihii hore ee Somaliland

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ahna Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku tilmaamay gef iyo dacaayad loola jeedo xisbiga UDUB go'aankii shalay ay gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada.

Gudiga ayaa waxa ay shalay go'aan ku gaareen inay laalaan xubnaha ay xisbiga UDUB u soo sharaxeen inay u tartamaan dooraashooyinka.

Daahir rayaale oo ka jawaabayay go'aankaasi ayaa wuxuu u waramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid cige wuxuuna ugu horreyn ka hadlay sababta uu ku diidanyahay go'aanka gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda.