Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo la eedeeyay

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Ciidanka booliiska Somaliland ayaa la sheegay inay xoog u isticmaaleen dadka qaxootiga ah

Hey'adda Xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa hadal ay soo saartay waxa ay ugu baaqday maamulka Somaliland in uu si deg deg ah ku joojiyo qaxootiga Ethiopian-ka ah ee dalkoodi lagu celinayo.

Hey'addu waxay sheegtay in ciidanka booliiska Somaliland ay weerareen goobo ay degenaayeen dadkaasi oo ay ku jiraan caruur iyo haween, kuwaasi oo xoog loogu celiyay Ethiopia.

Human Rights Watch waxa ay sheegtay in taasi ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda caalamiga.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Somaliland, Cismaan Garaad Soofe ayaa beeniyay warbixinta Human Rights Watch oo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Wasiirku waxa uu qirtay inay jiraan boqolaal dad oo xoog loogu celiyay Ethiopia, kuwaasi oo uu sheegay inay si sharci darro ah ku joogeen Somaliland.

Hey'adda Human Rights Watch waxa ay sheegtay in maamulka Somaliland ay joojiyeen diiwaan gelinta dadka qaxootiga ah sanadkii 2008.