Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

10 ka mid ah musharraxiinta oo hadlay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliy

Toban ka mid ah murrashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay khudbado ka jeediyeen baarlamaanka.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay siiyeen xubin walba oo ka mid ah murrashaxiinta 20 daqiiqo oo uu ku soo gudbiyo barnaamijka.

Toban musharrax ee maanta qudbaha jeedinaya waxa ay kala yihiin:

1- Axmed Ismaaciil Samatar2- Xuseen Khaliif Jaamac3- Maxmed Axmed Saalax4- Cabdullaahi Axmed Caddow5- Maxamed Cabdullaahi Oomaar6- Shariif Shiikh Axmed7- Cabdi wali Max'ed Cali Gaas8- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo9- Salaad Cali Jeelle10- Cumar Salaad Cilmi.

Xubnaha hadlay ayaa waxa ay soo bandhigeen qorshahooda ku aadan waxa ay dalka iyo dadka u qaban doonaan haddii Madaxweyne loo doorto.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ka hadleen ayaa waxa ka mid ah wax ka qabashada ammaanka dalka, dhisitaanka ciidanka Soomaaliyeed, siyaasadda arrimaha dibedda, dhaqaalaha, dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta, wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo arrimo kale.