Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaabka Doorashadu u dhacayso

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibrahim.

Afhayeenka guddiga doorashada Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen doorashada.

Waxa uu sheegay in guddigu uu dhaqangeliyay oo uu ka soo baxay hawshii loo xilsaaray.

Waxa uu ka codsaday dhamaan Soomaalida in ay taageeraan cid walba oo ay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u doortaan Madaxweyne.

Guddigu waxa ay sheegeen in wareegga koowaad cidii 24 ka musharrax hesha saddex meelood laba meel codadka inay noqoneyso Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddii qof uu ku guuleeysan waayo wareegga labaad waxaa gelaya afarta murashax ee ugu codadka badan.

Waxaa jiri doona wareeg saddexaad haddii midkoodna uu heli waayo saddex meelood laba meel codadka, markaa wareegga ugu danbeeya waxa galaya laba qof oo keliya.

Waa markii ugu horreysay ee doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo dalka gudihiisa tan iyo markii ay burburtay dowladdii militeriga ee Soomaaliya 1991.