Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxay ila tahay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Farxaan Maxamed Jimcaale oo tabinaya barnaamijka waxay ila tahay ee BBC Soomaali

Barnaamijkan waxay ila tahay waxa aanu ku faaqidi doonaa Soomaaliya Madaxweyne cusub ayay yeelatay, maxaa xiga? Maxaa hor yaalla Madaxweynaha cusub? Marka laga tago ammaanka arrimaha ugu muhiimsan ee uu qabanayo maxay kula tahay inuu qabto Hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud?

Maxaa kale oo aad is dhihi lahayd waa inuu qabto Madaxweynaha 100 maalmood ee ugu horreeya ee xafiiska uu hayo.

Muxuu mudada afarta sano ah ka qaban karaa xagga garsoorka, shaqo abuurista, kaabidda dhaqaalaha, dib u dhiska, dib u heshiisiinta, iyo saxaafadda xorta ah?

Suurta gal ma tahay in garsoor caddaalad ku dhisan la gaaro muddo kooban?

Dib u heshiisiinta sidee ayuu u wajahayaa ayaad is leedahay?

Soomaaliya dhaqaale ahaan isma bixin karto waa waddan sabool ah xagee dhaqaaluhu ka imanayaa?

Su'aalahaasi ayaa dhageystayaashu kaga hadlayaan barnaamijkan Waxay ila tahay.