al-Shabab ma ka baxday Kismaayo?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 September, 2012, 06:15 GMT 09:15 SGA

Magaalada Kismaayo, ayaa saaka dadwaynuhu ku soo tooseen goobihii maamulka Kismaayo oo maran. Xalay ayay al-Shabab goobahaas banaysay. Warbaahinta taageerta al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada xarakadani ay magaalada ugu baxeen wax lagu sheegay 'qiddado dagaal'.

Dadwaynaha magaalada, ayaa xaqiijiyay in xaruntii maamulka gobolka iyo saldhigyada ciidamada ay baneeyeen ciidamada al-Shabab.

Ciidamada Kenya oo ka mid noqday kuwa AMISOM, ayaa xalay dhinaca badda ciidamo ka soo galiyay magaalada Kismaayo. Waxay hadda ku sugan yihiin duleedyada magaalada Kismaayo.

Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu aysan ku degdegi doonin galitaanka magaalada Kismaayo.

Sanad ayaa hadda ay ku sii dhowdahay waqtigii ciidamda Kenya ay ka soo talaabeen xadka Soomaaliya taas oo ku beegneyd 16-kii bishii October sanadkii 2011. Waxay markaas sheegeen in uu qorshahoodu yahay in ay tallaabo ka qaadaan xarakada al-Shabaab oo ay ku eedeysayin falal amaan darro ah oo ay ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Ciidamada Kenya, oo dhowr bilood ka hor ku biiray AMISOM, oo ay weheliyaan ciidamo Soomaali ah ayaa totobaadyadii ugu dambeeyay culeys malatari oo bad iyo bariba leh ku hayay magaalada kismaayo.

Arintan, ayaa dhalisay in xoogagii al-Shabaab ee magaalada gacanta ku hayay muddo shan sano ku dhow ay isaga baxaan magaalada Kismaayo.

Dadka ku nool Kismaayo ayaa saakay ku toosay iyadoo ay maran yahiin xafiisyadii shabaab ee gudaha magaalada islmarkaana aanu muuqan askari shabaab ka tirsan
sida lagu qoray

Magaalada Kismaayo waa magaaladaii labaad oo deked leh oo ay ka baxaan al-Shabaab. Waxaa horay ciidamada AMISOM ay ugala wareegeen magaalada Kismaayo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.