Ololaha doorashada Somaliland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Oktoobar, 2012, 13:12 GMT 16:12 SGA

Media Player

Somaliland waxaa maanta oo isniin ah 29-ka Oktober Rasmi ahaan uga bilowday ololaha doorashada golayaasha deegaanada.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ololaha doorashooyinka deegaanka Somaliland ayaa maanta bilowday

Somaliland waxaa maanta oo isniin ah 29-ka Oktober Rasmi ahaan uga bilowday ololaha doorashada golayaasha deegaanada.

Ololahan oo socon doona muddo bil ah waxaa ka qayb qaadanaya taageerayaasha todoba Urur siyaasadeed oo urur kastaa maalin gooni ah uu dibedbax ka samayn doono magaalooyinka.

Doorashada golayaasha deegaanada Somaliland oo dhici doonta 28ka November 2012 waxaa ku tartami doona todobada urur

Siyaasadeed ee kala ah: Ummadda, UCID, Kulmiye, Dalsan, Rays, Wadani, iyo Xaqsoor.

Saddexda urur siyaasadeed ee ugu sarreeya doorashadan waxay noqonayaan saddexda Xisbi qaran ee hadhow u tartami doona doorashooyinka

Baarllamaanka oo la filaayo sannadka 2013 iyo madaxtooyada oo la filaayo sannadk 2015 .

Waxaa laga dareemayaa magaalooyinka somaliland xammasadda ololaha doorashada golayaasha deegaannada iyadoo la arkaayo boodhadh waaweyn

oo musharxiintu ku sawiranyihiin , calamada ururada siyaasadda , iyo dadweyne xamaasadeysan.

golha deegaanka ee magaalada Hargeysa ayaa isagu dhan 25 xubnood , magaalooyinka Burco , Boorama , Berbera , Ceerigaabo , Laascaanood iyo gabilay yaa iyaguna ah midkiiba 21 xubnood .

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.