Desalegn: Ciidankeenu wuu sii joogayaa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Novermber, 2012, 23:51 GMT 02:51 SGA

Media Player

Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ciidankiisu sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa inta ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay kala wareegayaan qeybaha ay ka joogaan dalka.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Raiisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa inta ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay kala wareegayaan qeybaha ay ka joogaan dalka.

Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Addis Ababa kadib markii uu halkaasi kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqanaya Itoobiya.

Hailemariam Desalegn waxa uu sheegay in Ciidamada difaaca ee Itoobiya ay joogaan qeybo ka mid ah Soomaaliya, si ay u taageeraan dhisitaanka nabadda.

Raiisul Wasaaraha Itoobiya waxa uu yiri "sidii aan horeyba u sheegnay ciidamada AMISOM inay yimaadaan oo ay na beddelaan, ilaa aan ka helno xaqiijintaasi, halkaas ayaan ku sugi doonaa, inta AMISOM ka imanayso, Ma jiri doonto inaan u dabcino al-Shabaab inay halkaasi yimaadaan"

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay ayaa waxa uu sheegay inay aqoonsan yihiin doorka Itoobiya ee ay degenaanshaha uga abuureyso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu yiri "Inkasta oo ay jirtay taariikh aad u adag, taariikh hore, laakiin Itoobiya waxay caddeysay inay ka gudubtay waxyaabihii hor gudbanaa oo ay buundo u furtay Soomaaliya."

Waxa uu sheegay in ay isticmaali doonaan fursadda ay Itoobiya siisay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay la shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa Soomaaliya wanaagsan iyo degenaansho wanaagsan oo gobolka geeska Afrika ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa ah tii ugu horreysay ee uu ku tago Itoobiya tan iyo markii xilka uu qabtay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.