Al-Shabaab oo laga xiray bogga twitter-ka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Janaayo, 2013, 19:02 GMT 22:02 SGA

Media Player

Kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa boggii ay ku lahaayeen twitter-ka maanta la xiray. Xarakada Al-Shabaab oo sameysay boggaas sanadkii 2011 ayaa waxaa ku xirnaa tobanaan kun oo qof oo la socon jiray wararka ay soo geliyaan.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

al-Shabaab waxa ay bogga isticmaaleysay ilaa 2011

Kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa boggii ay ku lahaayeen twitter-ka maanta la xiray.

Xarakada al-Shabaab oo sameysay boggaasi sanadkii 2011, ayaa waxa la oran jiray HSMPress, waxaana ku xirnaa tobanaan kun oo qof oo la socon jiray wararka ay soo geliyaan.

Al-Shabaab, waxa ay inta badan u istcimaali jireen inay soo geliyaan sheegashada weerarrada ay ku qaadaan ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga iyo kuwa dowladda Soomaaliya, Qaraxyada ay fuliyaan iyo fariimaha ay doonayaan inay gudbiyaan.

Waxaa kale oo Shabaab ay soo gelin jireen sawiradda dadka ay dilaan ama ay qabsadaan.

al-Shabaab waxa ay dhawaan ku hanjabtay inay dili doonto dad Kenyan ah

Dhawaan waxa al-Shabaab ay soo gelisay boggaasi twitter-ka sawirka askari Faransiis ah oo ay sheegeen inuu u dhintay dhaawacii ka soo gaaray dagaalkii dhexaray iyaga iyo ciidanka Faransiiska ee doonayay inay soo firtaan qof u dhashay Faransiiska oo ay haysteen al-Shabaab. Askarigaasi waxaa meydkiisa ay ag yaalay qalab militeri.

Xiritaanka bogga waxa uu ku soo beegmay maalmo kaddib markii Arbacadii ay ku hanjabeen in ay dili doonaan dad u dhashay Kenya oo ay hayaan, haddii dowladda Kenya aanay sii deyn dadka u xiran argagaxisada.

Laura Hammond, oo ah macallin sare oo wax ka dhigta Iskuulka la yiraahdo SOAS ee Jaamicadda London, ayaa BBC u sheegtay in dowladda Mareykanka ay intii muddo ahba dooneysay sidii bogga alShabaab loo xiri lahaa, laakiin ma aanay hayn qaabkii sharci ahaan ay ugu qasbi lahayd Shirkadda Twitter.

Shirkadda twitterka waa ay ka gaabsatay inay wax war ah ka bixiso xiritaanka bogga al-Shabaab, laakiin waxa uu sharcigoodu qabaa in aanay oggoleyn hanjabaado dagaal.

inkasta oo la xiray boggaasi oo luqado kala duwan ay ku qori jireen, haddana BBC waxay oggaatay in boggooda kale ee af-Carabiga uu weli shaqeynayo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.