Dooda Jimcaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Janaayo, 2013, 16:17 GMT 19:17 SGA

Media Player

Waxay ka hadlaysaa xiriirka cusub ee Soomaalia iyo Maraykanka.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweynaha Somaaliya

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hilary Clinton.

Dooda Jimcaha toddobaadkan waxay ku saabsan tahay aqoonsiga ay dowladda Maraykanka aqoonsatay dowladda Soomaaliya iyo waxa ay u soo kordhinayso Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa aqoonsatay dawladda Soomaliya waxaa lagaga dhawaaqay kulan Washington ku dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Hilary Clinton iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamud oo maalmahan booqasho ku tagay Marakanka.

Kadib markii ay shir ku yeesheen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington ayaa Clinton iyo Madaxweyne Xasan, waxay wadajir ula hadleen warbaahinta Hilary Clinton oo soo dhaweysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegtay in markii u horeysay tan iyo 1991, Mareykanku aqoonsanayo dawladda Soomaaliya.

Waxay sababta ka dhigtay in waqtigii isbedelay oo xaaladda Soomaaliya ay rajo leedahay. Waxay sheegtay kooxda Shabaab ay dib uga bexeen magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Waxay sheegtay in somalia ay yeelatay barlaman cusub, madaxweyne cusub iyo xukkumad cusub.

Clinton waxay u mahadcelisay ciidamada AU ee Soomaliya oo gacantii ay ka geysteen dagaalka Shabaab, waxayna sheegtay in dadaalkaas ay dawladda Maraykanka ay ku bixisay lacag dhan $780 Milyan.

Hilary Clinton waxay sheegtay in shaqo xoog leh looga fadhiyo hogaanka cusub ee Soomaaliya oo bug cusubi u furmay.

Ms Clinton way sii hadashay waxay sheegtay in hadda iyo wixii ka dambeeya, labada dal ee Maraykanka iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo madax banaan ay dhexmari doonaan wadahadalo furan oo cad oo aan qarsoodi lahayn ay yeelan doonaan iyo in dawladda Maraykanka ay xushmeyneyso madax banaanida dhulka Soomaaliya.

Madaxaweynaha Soomaliya oo isna markiisa hadlay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu muddo dheer dhibaato iyo waqti adag ku soo jiray, hase ahaatee iminka uu ka baxayo dalku waqtigii xasilooni la'aanta, xag-jirnimada iyo burcad baddeeda oo uu dalku galayo waqti nabad iyo horumarin ah.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud wuxuu dawladda Marakanka uga mahadceliyey taageerada hagar la'aaneed ee uu siiyo dadka Soomaaliya, wuxuuna u sheegay Clinton inuu ka shaqeynayo Soomaaliya oo nabad ah, Soomaaliya oo deriskeeda nabad-galisa, dadkeeduna ay si nabadgalkyo ah u wataan hawl-maalmmeedkooda.

Wadahadaladii madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Clinton ka hor, waxaa aqalka cad ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya madaxweyne Barak Obama.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.