Xasan Sh: Aqoonsiga maslaxad ayaa ku jirta

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Janaayo, 2013, 22:07 GMT 01:07 SGA

Media Player

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo Brussels kula kulmay madaxda Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in kulankii dhexmaray uu jawi wanaagsan ku dhammaaday. Waxa kale uu ka hadlayaa hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya Brussels

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada magaalada Brussels waxa uu kula kulmay madaxda Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen wax uu ugu yeeray 'waayaha cusub' ee Soomaaliya ay gashay iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Midowga Yurub ay sheegay inay aad isku af garteen, isla markaana Midowga Yusub uu diyaar u yahay in dowladdiisa ay ka taageeraan dhinacyo fara badan, sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Waxa uu sheegay in la dejinayo qorshooyin badan oo la xiriira tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxa ay u baahan tahay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay in aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ay tahay mid maslaxad ugu jirto dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanay jiri doonin cid la qasbayo ama dhibaato loo geysanayo, oo ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto midnimada umadda Soomaaliyeed.

Kulanka Brussels

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay is gacan qaadayaan Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa uu la kulmay guddoomiyaha Guddiga Yurub Jose Manuel Barroso, Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy.

Masuuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub gacan u siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay horumar wanaagsan sameysay labadii sano ee u dambeeyay.

Kulanka kadib waxa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Waxaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Catherine Ashton oo wakiilka sare ee Golaha Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy

Baroness Catherine Ashton, waxa ay sheegtay in ay wax wanaagsan tahay waaga cusub ee Soomaaliya u bilowday. Waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu gacan ka geystay aasaaska horumarka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dhawaan ay qabanqaabinayaan shir Soomaaliya ku saabsan oo ka dhici doona Brussels, kaasi oo ay sheegtay inuu la soo bixi doono qorshe cusub oo Soomaaliya lagu siinayo taageero siyaasadeed, ammaan iyo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay taagan tahay halkii ay Yurub taagenyd sanadkii 1945, oo wax walba burbureen ayna u baahan yihiin taageerada beesha caalamka, gaar ahaan midda Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku yimid magaalada Brussels booqasho rasmi ah oo uu ka helay Midowga Yurub sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.