Maxkamadda Muqdisho oo xukun fulisay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Febraayo, 2013, 14:01 GMT 17:01 SGA

Media Player

Maxkamad ku taal magaalada Muqdisho ayaa hal sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidandka dowladda Soomaaliya oo ay sheegtay inay been abuurtay warkaasi.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim weriyaha sanadka lagu xukumay

Maxkamad ku taal magaalada Muqdisho ayaa hal sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidandka dowladda Soomaaliya oo ay sheegtay inay been abuurtay warkaasi.

Weriye, Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo wareystay gabadha ayaa isna waxaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah qeybtiisa oo ah inuu gacan ka siiyay abuurista sheekadaasi.

Labadooda ayaa lagu helay dambi ah inay aflagaaddo u geysteen dowladda Soomaaliya.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay xarigga iyo maxkamadda.

Shalay ayaa waxa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay olole lagu dagaallamayo kufsiga haweenka oo ay hoggaamineysay, Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka SOomaaliya , ahna xaaska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.