Safiirka Soomaaliya u fadhiya K/Africa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Febraayo, 2013, 21:54 GMT 00:54 SGA

Media Player

Soomaaliya ayaa dhowaan si rasmi ah safaarad uga furatay dalka Koonfur Africa. Madaxwayne Zuma ayaa waraaqaha diblomaasiyadeed ka qaabilay safiirka cusub.

Daawomp4

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Markii ugu horaysay ayaa Soomaaliya ay si rasmi ah safaarad ugu yeelatay dalka Koonfur Africa.

Madaxwaynaha Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Africa Sayid Xassan Shariif Cabullaahi.

Koonfur Africa waxaa ku sugan tobanaan kuno oo Soomaali ah oo u badan ganacsato. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxay ka cabanayeen dilal iyo boob ay u gaystaan burcad iyo dad Koonfur African ah.

Qaar badan oo ka mid ahna waxay ka cabanayaan xayiraado dhinaca safarka oo xitaa aysan dib ugu laaban karin Soomaaliya hadii ay doonaan.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa safiirka kula kulmay dhismaha safaaradda ee magaalada Pretoria, oo arrimahaas ka waraystay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.