Senator booqasho ku tagay Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Febraayo, 2013, 16:51 GMT 19:51 SGA

Media Player

Xubin ka tirsan aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka Senator Keith Ellison ayaa booqday magaalada Muqdisho halkaasi oo wada hadal uu kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Senator Keith Ellison

Xubin ka tirsan aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka Senator Keith Ellison ayaa booqday magaalada Muqdisho halkaasi oo wada hadal uu kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Keith Ellison oo laga soo doorto degmada shanaad ee gobolka Minnesota, oo Soomaalidu ay ku badan tahay ayaa waxyaabaha uu kala hadlay Madaxweynaha waxaa ka mid ah dhibaatooyinka ay sababeen xayiraadaha lacagaha xawaaladaha ee Mareykanka.

Soomaaliya oo aanay ka jirin nidaam bangiyo ayaa waxa ay kumanaan dada ah ku tiirsan yihiin lacagaha ay u soo diraan eheladooda dibedda jooga.

Washington ayaa waxa ay ku soo rogtay shuruuc adag sababtoo ah waxay ka qabtaa walaac in lacagtaasi ay helaan kooxda Islaamiga ee aal-Shabab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.