USAID oo siineysa Soomaaliya $20 milyan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Febraayo, 2013, 12:12 GMT 15:12 SGA

Media Player

Madaxa Hey'adda gargaarka ee Mareykanka ee USAID, Dr. Rajiv Shah oo maanta Muqdisho booqday ayaa ku dhawaaqay 20 milyan oo dollar oo gargaar dheeraad ah oo Soomaaliya ay siinayaan.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxa USAID Dr. Rajiv Shah iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxa Hey'adda gargaarka ee Mareykanka ee USAID, Dr. Rajiv Shah ayaa maanta tagay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga gargaari lahaa xagga cunto yarida iyo sidii loo kordhin lagaa gargaarka deg deg ah.

Waxaana Rajiv Shah oo ka hadlay kulanka kadib uu sheegay inay ku dhawaaqayaan maanta 20 milyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi lagu taageeri doono adeegyada muhiimka ah sida cuntada, beeraha Si Soomaaliya ay uga guuleeysato ayuu yiri dhibaatooyinka heysta.oo aan ahayn oo kaliya inay gaajada uga baxaan balse ay soo nooleeyso beerihii Soomaaliya si ay u bedesho cuntada gargaarka, oo dalkan weyn uu ligihiisi isugu taagi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay ayaa sheegay inay ka wada hada hadleen maadaama Soomaaliya ay hadda yeelatay dowlad rasmi ah inay ka codsadeen sidii loogu kaalmeyn jiray waagii hore in si toos ah ay hadda kadib u wada xiriiraan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.