Sawirro: Noloshii Hugo Chavez

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Maarso, 2013, 03:34 GMT 06:34 SGA

Sawirro: Noloshii Hugo Chavez

  • Hugo Chavez waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha ugu cad cad Latin Amerika. Waxaa uu ka mid ahaa militeriga dalka Venezuela
  • Mr Chavez waxa uu hoggaamiyay afganbi la isku dayay in awoodda looga tuuro dowladdii Madaxweyne Carlos Andres Perez. Laba sano ayuu xabsi ku jiray.
  • Sanadkii 1998 ayuu ku guuleystay madaxtinimada oo meesha ka saaray siyaasiyiintii dhaqan ahaa talada hayn jirtay
  • Markii uu awoodda qabsaday Mr Chavez, nidaamkii hore ee Venezuela waa uu kala daadatay, waxaana uu balanqaaday kacaan isbeddel.
  • Mr Chavez oo lagu qayaan nin aftahan ah oo fagaarayaasha ka hadla, waxaa sidoo kale ay isku dhaceen hogaamiyayaasha kaniisadaha oo uu ku eedeeyay in ay dayaceen dadka saboolka ah.
  • Xiriirka u dhaxeeyay Hugo Chavez iyo Washington ayaa meel hoose gaaray markii maamulkii Bush uu galay dagaalkii la dagaallanka argagixisada.
  • Mr Chavez Waxa uu ka bedbaaday
  • Mr Chavez waxa dowladdiisu waxay dhaqangelisay tito barnaamijyo ah oo dadka wax loogu qabanayo, oo ay ku jiraan waxbarasho iyo adeeg caafimaad.
  • Sanadkii 2006 ayaa Mr Chavez dib loo doortay isaga oo helay codad ku dhaw 63%.
  • Laakiin 2007 waxa uu ku guuldareystay codbixintii dastuurka oo ay ku jirtay qorshe ahaa in Madaxweynuhu xilka ebid heyn karo.
  • Sanadkii 2009 dadka Venezuela waxa ay u codeeyeen afti kale oo dastuurka lagu beddelayay taasi micnaheedu waxa uu ahaa in markale uu isa soo taago Mr Chavez
  • June 2011, Madaxweyne Chavez waxa uu dadka Venezuela u sheegay in laga daweynayo cudurka kansarka.
  • Agosto 2012 qarax weyn ayaa ka dhacay xarunta ugu weyn ee shidaalka lagu sifeeyo ee dalka oo ay ku dhinteen 42.
  • Oktober 2012, Mr Chavez waxa uu ku guuleystay doorasho kale oo xilka uu heynayo lix sano
  • Xanuunka ayaa ku sii kordhay iyadoo muddo laga daweynayay. Disember 2012 waxa la sheegay in caafimaadkiisa aanu sii wadi karin xafiiska sanado badan.
  • Qof Reer Venezuela ah oo la taagan calanka dalka magaalada caasimadda
  • Dad u barooranaya geerida Madaxweynihii dalka Venezuela Hugo Chavez

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.