Xakameynta ka ganacsiga hubka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Maarso, 2013, 01:51 GMT 04:51 SGA

Media Player

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu ka faalloonayaa waxa ka soo bixi kara wada xaajoodka xubnaha Qaramada Midoobay ee ku saabsan ka ganacsiga hubka iyo saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karto.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ganacsiga hubka ee adduunka waxa uu ku kacaa sanadkii 70 bilyan oo dollar

Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa maanta bilaabaya wada xaajood muddo toban maalmood ah socon doona oo ku saabsan heshiis taariikhi ah in laga gaaro sidii wax looga qaban lahaa oo sharciyo adag loogu sameyn lahaa ganacsiga caalamiga ah ee hubka dunida.

Hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer u ololeynyaya in adduunku heshiis adag ka gaaro ganacsiga hubka, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo lagu wax yeeleeyo hubkaasi.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa laba toddobaad gudahood markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta Hubka ka qafiifiyay Soomaaliya.

Haddaba maxay saameyn ku yeelan kartaa, Muxuuse heshiiskan soo kordhin karaa? Suurta galse ma tahay in dalalka horumaray ee dhaqaale ahaa ku tiirsan ka gacansiga hubka ay oggolaadaan?

Suaalahaasi iyo kuwo kale ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu weydiiyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda, waxna ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka, laakiin hadda jooga Jaamacadda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.