Somaliland: "Ma jiro qorshe kulan Dubai"

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Maarso, 2013, 16:30 GMT 19:30 SGA

Media Player

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ku saabsan kulan dhexmara Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Maxamed Cabdullaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ku saabsan kulan dhexmara Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka jawaabayay warar sheegayay inay suurtagal tahay in labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kulmaan magaalada Dubai, kadib marka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo laabto magaalada Dooxa ee dalka Qadar oo uu kaga qeybgalayo shirka dalalka Carabta.

Maxamed Cabdullaahi Cumar Waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka ay u tageen casuummad ay ka heleen masuuliyiinta dowladda Imaaraadka Carabta.

Laakiin wasiirku waxa uu ku celceliyay inay diyaar u yihiin wada hadalka Soomaaliya, balse aanay ka soo qeyb geli doonin shirka London ee bisha May.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.