Shirka Kismaayo oo lagu heshiin waayay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Maarso, 2013, 12:41 GMT 15:41 SGA

Media Player

Wada hadaladii lagu doonayay in maamul loogo sameeyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa wax horumar ah laga sameyn waayay oo lagu kala tagay.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Kismaayo waxaa al-Shabaab ka saaray ciidanka Kenya iyo Maliishiyo Soomaali ah

Waxaa istaagay wadahadaladii magaalada Kismaayo uga socda dowladda Soomaaliya oo wafdi ka socda uu hogaaminayo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo maamulka magaalada Kismaayo.

Xubnihii ka socday dawladda federaalka ee ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho iyadoo xubnahaasi oo uu ku jiro ra'isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ay maanta dib ka dhoofeen garoonka magaalada Kismaayo iyagoo ka dagay garoonka magaalada Muqdisho.

Wadahadaladii ay u tageen wafdiga xukuumaddu magaalada Kismaayo ayaa natiijo la'aan ku soo dhamaaday iyadoo la isku mari waayay sida maamul loogu samaynayo gobolada jubooyinka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.