Xukuumadda cusub ee Jabuuti

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Abriil, 2013, 02:32 GMT 05:32 SGA

Media Player

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu isku shaandheyn ku sameeyay golaha xukuumadda Jabuuti, iyadoo Raiisul Wasaare cusubna loo magacaabay Cabdulqaadi Kaamil Maxamed.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu isku shaandheyn ku sameeyay golaha xukuumadda Jabuuti, iyadoo Raiisul wasaare cusub la magacaabay isla markaana uu meesha ka baxay Raiisul Wasaarihii xilka soo hayay dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyay Dileita Maxamed Dileita.

Wasiirro cusub ayaa ku soo biiray xukuumadda cusub ee Jabuuti, iyadoo tiradana la kordhiyay.

Raiisul wasaare cusub waxaa loo magacaabay Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo horey u ahaan jiray wasiirka gaashaandhigga Jabuuti.

Haddaba Xuseen Cumar Maygaag, oo ah weriye ka tirsan telefishinka dalka Jabuuti, ayaa waxa uu isbeddelkaasi uga warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.