Dowladda oo safiir u magacawday London

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Abriil, 2013, 01:39 GMT 04:39 SGA

Media Player

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirka Soomaaliya ee UK u magacawday Maxamed Cabdullaahi Cali Sanbalolshe oo horey mar wasiir uga ahaa dowladdii KMG ee Soomaaliya. Waa safiirkii ugu horreeyay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Cabdullaahi Maxamed Cali safiirka cusub ee Soomaaliya ee UK

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirka Soomaaliya ee UK u magacawday Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalolshe oo horey mar wasiir uga ahaa dowladdii KMG ee Soomaaliya.

Shir ay yeesheen Golaha wasiirada ee dowladda oo uu shir guddoominayay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay magacaabista Safiirka Soomaaliya ee London, sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka ku xigeenka warfaafinta Ibraahin Yaroow Isaaq.

Waa markii ugu horreysay ee dowlad Soomaaliyeed ay safiir u soo magacawdo dalkan Britain tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa horey wasiirkii Amniga Qaranka uga ahaa dowladdii KMG ee Cabdirashiid Cumar Sharmarke.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.