Caddaaladda Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Mey, 2013, 03:32 GMT 06:32 SGA

Media Player

Caddaalad iyo in la isla xisaabtamo waxa ay muhiim u tahay nabad waarta oo ka dhacda Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Weerar lagu qaaday xarunta maxkamadda Muqdisho

Ka waran bal sideed dib ugu dhisi lahayd waddan burburay. Maalinta Talaadada ee soo socota, hoggaamiyayaal badan oo caalamka ah ayaa London isugu imanaya yaga oo ka hadlaya Soomaaliya halka ay soo gaartay maanta, gaar ahaan tan iyo markii ay timid dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo hadda ka badan lix bilood .

Shirkan waa kii labaad, si aanu marka u eegno arrintan ama u baarno in dalku isbeddel ku socdo waxaan eegi doonaa xaaladda Soomaaliya maalmahana soo socda.

Caddaalad iyo in la isla xisaabtamo waxa ay muhiim u tahay nabad waarta oo laga helo dal walba oo caalamka, laakiin dal Soomaaliya oo kale ah oo dawlad shaqeysa la'aan ahaa in ka badan labaatan sano, oo dambiyo dagaal, kuwo ka dhan ah bini'aadanimada iyo xadgudubyo kale sameeyo ay ka dhaceen waxa arrina nabadda in la helo ay ku xirnaaneysaa caddaalad.

Laakiin dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa arrintaasi inay wax ka qabato u soo jeedsatay iyada oo dib u habeyn ku sameyneysa cadaaladda ay dalbanayaan dadkeeda.

Weriyaha BBC Mohamed Ibrahim Moalimu ayaa eegaya arrinta caddaaladda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.