Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaadka oo laga mamnuucayo Britain

Dawlada Britian ayaa ku dhawaaqday in ay mamnuuceyso qaadka ay Somalida, Yamaniyiinta, Itoobiyaanka iyo bulshooyin kale ay cunnaan.

Dowladda waxay tallaabadan qaadatay xitaa iyadoo ay ku taliyeen in aan qaadka la joojin guddi khubaro ah oo mukhaadaradka kala taliya dowladda.

Hase ahaatee wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Terresa May ayaa waxa ay gaartay go'aan.

Haddaba Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa dood gaaban waxa uu u qabtay Cabdi Maxamuud Ismaaciil (Cabdi Weyne), oo ka horimaadsan in qaadka la mamnuuco, iyo Abuukar Cawaale Qaad-diid, oo u ololaynayay in la mamnuuco qaadka.

Waxa uu ugu horreyn waydiiyay sida ay u arkaan go'aanka? Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa jawaabta ku hormaraya.