Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isticmaalka Tuktuk-ga ee Mombasa

Image caption Magaalada Mombasa waxa ay caan ku tahay gaadiidka yaryar ee loo yaqaan Tuktuk

Gaadiidka sida weyn looga isticmaalo magaalada Mombada waxaa ka mid ah TUKTUK ama gaari yar oo saddex qof iyo darawalka qaado.

Waxyaabo ay gaar ku tahay ayaa jirto oo ay ka mid tahay, in haddii uu TUKTUK-ga qof saaran yahay aannu qofkale joojin karin laakiin qofkii horay u saarnaa waa uu qaadi karaa qofkale, sidoo kale qiimaha lagu raaco waa hal oo qof un baa bixiya.

Abdifitah Ibrahim Cagayare oo dhawaantan safar shaqo halkaa ku tagay ayaa warbixintan ku eegaya isticmaalka gaadiidkaasi yar yare ee loo yaqaan TUKTUK-ga.