Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidan Khaatumo oo ku biiray Somaliland

Image caption Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay heshiis la galeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa Khaatuma, isla markaana ay ku soo biireen ciidanka Somaliland, oo sida uu sheegay ay qarameeyeen.

Arrintan ayaa dhacday kadib markii maanta degaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyey shir halkaasi ka socday labada dhinac ee beesha degaanka iyo Wafdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada Xiris Cali Xaaji.

Wafdiga Somaliland waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse oo BBC uga warramay heshiiska.

Waxaa isna dhinaca kale BBC Somali uga warramay waxa ay ku heshiiyeen labada dhinaca Garaad Cabdullaahi Mohamed Guuleed.