Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jeneral Qaalib oo beeniyay eedeynta UN-ka

Image caption Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Guddiga QM u qaabilsan la socodka arrimaha cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eratrea ayaa dhawaan warbixinta sanadlaha ah ee ay soo saareen ee ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dadka lagu eedeeyay warbixintaasi waxaa ka mid ahaa siyaasiga Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib.

Jeneralka waxaa lagu eedeeyay inuu agent u yahay dowladda Eratrea, isla markaana uu ka tirsanaa xisbul Islaam.

Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu beeniyay eedeymahaasi isaga oo qoraal u qoray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Haddaba isaga oo jooga magaalada Muqdisho ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale telefonka kula xiriiray oo uu weydiiyay waxa uu ku beeninayo.