Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo ku gacan seyrtay shirka Muqdisho

  • 2 Sebtembar 2013

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in aanay ka qeybgaleyn shirkaasi waxaana sabab ay uga dhigeen in aanay wax wada shaqeyn ah lahayn iyaga iyo dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Puntland waxa ay ku eedeeysaa dowladda Federalka inay wax ka bedeshay nidaamkii federalka ee la isku oggaa.

Haddaba waxaan ka warreysanay mowqifka Puntland, Wasiirka arfaafinta ee Puntland Axmed Shiikh Jaamac, waxaana wasiirka oo jooga Garoowe wareystay Farxaan Maxamed Jimcaale oo weydiiyay sababta ay ku diideen inay shirka ka qeyb galaan.